TOP DHAGEYSO WAREYSI:- Saraakiisha Galmudug oo ka hadlaya Qaabka loo qabtay Doon Ajnabi ah iyo Halka Maxaabiista la Geeyay iyo Khasarihii ka dhashay

0

Ciidamda Badda ee Maamulka Galmudug ayaa maanta gacanta ku dhigay dooni si sharci darro ah uga kalluumeysanaysay xeebta Hobyo ee goboka Mudug iyo shaqaalihii saarnaa oo ay tiradoodu tahay 40.

Xirsi cismaan oo ka tirsan saraakiisha ciidanka badda galmudug kuna sugan deegaanka labad oo qiyaastii 30 km u jira magaalada hobyo ayaa ka warbixiyay dooni lagu hayo deegaanka labad oo ciidanka badda galmudug ay gacanta kusoo dhigeen xili ay waday kaluumaysi sharci dara ah

Waxa uu shegay in is rasaaseyn ay dhex martay shaqaalaha doonida iyo ciidamda badda ee Galmudug ka dib ay ciidamada u suurtagashay inay gacanta ku soo dhigaan doonida iyo guud ahaan shaqaalaheeda oo uu la socday “nin u dhashay Puntland.” Waxa uu sidoo kale sheegay in laba ka mid ah shaqaalaha doonta oo ku dhaawcmay is rasaaseynta la dhigay cisbital lagu dabiibayo.

HALKAAN KA DHAGEYSO