TOP DHAGEYSO:- Puntland oo Warar Hordhac ka soo saartay Howlgal aan Nuuciisa hore loo arag oo Gaalkacyo ka dhacay

0

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Mudug ee Puntland Maxamed Ciise Warsame oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka Ammaanka gobolka Mudug ay Howlgallo ay ka wadaan Magaalada Gaalkacyo.

Waxaa uu sheegay in ciidanka Ammaanka ay bilaabeen howlgallo ay ku baadigoobayaan kooxaha dhibaatada u geysta bulshada Kunool Magaalada Gaalkacyo xilliyada habeenkii ah.

Sidoo kale Gudoomiye ku xigeenka ayaa xusay in tilaabo adag laga qaadi doono cidii lagu arko ayadoo gawaarida muraayadaha Madow ku dhex wadata Magaalada Gaalkacyo.

Maxamed Ciise Warsame ayaa ku dambeyntii ugu baaqay bulshada kunool Gaalkacyo in ay la shaqeeyaan ciidanka Ammaanka , islamarkaana ay kusoo wargeliyaan hadii ay arkaan kooxaha dhaca u geysta Bulshada.

HALKAAN KA DHAGEYSO