TOP DHAGEYSO:- Musharax Balan qaad u sameeyay Xildhibaanada“Telefoono cusub ayaan idin gadaa I Doorta”

0

Xildhibaan C/raxmaan Xaaji Aadan (Ibi) oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ahna Musharax u traagan qabashada xilka Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu maanta xildhibaanada Baarlamaanka ka horjeediyay Khudbad uu uga hadlayay wax qabadkiisa hadii la doorto.

Prof. Ibi oo jeediyay Khudbad dhinacyo badan taabaneysay sidoo kalena laheyd xiiso gaar ah ayaa waxa uu sheegay hadii uu ku guuleysto xilka Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Boqolka maalmood ee ugu horeysa xildhibaanada in uu u iibin doono Taleefoonada IPAD-ka.

Waxa uu sheegay ujeedada Taleefoonka IPAD-ka uu xildhibaanada ugu iibinayo in ay tahay xildhibaanada in loogu diro Email-da, sidoo kalena lagu soo diyaariyo Ajandayaasha kulamada Baarlamaanka.

HALKAAN KA DHAGEYSO