TOOS U DHAGEYSO:- Xildhibaanada Galmudug oo ka doodaaya Mooshin

0

Xildhibaan Faysal Qarni C/dulle oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in 3 Maalin gudahood ay kaga dooni doonaan Mooshinka ay ka gudbiyeen Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed.

Waxa uu sheegay in Madaxweynaha Galmudug loogu baahan yahay in uu Baarlamaanka hor yimaada si uu isku difaaco, kana jawaabo Eedeymaha loo jeediyay.

Xildhibaanka ayaa xusay in aysan ka laaban doonin Mooshinkooda ilaa ay ka gaaraan haafka ay ka leeyin, Waxa uuna tilmaamay in Xildhibanada loogu baahan yahay in ay ka shaqeeyaan hormarinta degaanada Galmudug.

Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in lala yimaado isbadal iyo la Xisaabtan dhab ah oo ku aadan Madaxda Galmudug.

Shalay ayay ahayd markii Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ay shaaciyeen in ay mooshin ka gudbiyeen Madaxweynaha Galmudug, Waxayna Madaxweynaha Galmudug ku eedeen in uu ku fashilmay hogaaminta Maamulka Galmudug.

HALKAAN KA DHAGEYSO