TOOS U DHAGEYSO:- Odayaasha Galmudug oo ku dhawaaqay Go'aan Dagaal u Horseedi kara Gaalkacyo

0

Nabaddoon Cali Diiriye Aloore oo kamid ah nabaddoonada ugu caansan Galmudug ayaa ku dhawaaqay inuusan socondoonin heshiiskii ay dhawaan magaalada Muqdisho kusoo kala saxiixdeen madaxweynaha Puntland iyo madaxweynaha Galmudug, kaasoo looga hadlayay nabadda Gaalkacyo.

Nabbadoonka ayaa sheegay, heshiiska labadaas madaxweyne ay galeen inuu yahay heshiis aan waxba badalidoonin colaada magaalada Gaalkacyo ka taagan, wuxuuna sheegay cida kaliya ee heshiin karta inay yihiin dadka reer Gaalkacyood oo aan cidina gadaal ka riixayn.

“Heshiiska Xamar waxaaa gaaray labo nin Coffee cabayay, oo masuul ka ahaa dhibaatadii ka dhacay Gaalkacyo marka heshiiska Gaalkacyo waxaa laga rabaa inay gaaraan dadka reer Gaalkacyo, oo ay si cadaalad ah ku heshiiyaan, wadooyinka iyo degmooyinka isku furaan.” ayuu yiri Cali Diiriye.

HALKAAN KA DHAGEYSO