DHAGEYSO WAREYSI:- Lacagta laga qaado Musharixiinta Maxaa lagu sameynayaa ?

0

Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya C/Raxmaan Ducaale Beyle ayaa ka war bixiyay halka ay ku baxeyso lacagta ay ka qaadeen Musharrixiinta u tartamaya Guddoonka iyo labadiisa ku xigeen.

Wareysiga oo dhinacyo badan taabanaya ayuu Beyle ku sheegay in lacag dhan $240,000 oo Doollarka Mareykanka ah ay ka qaadeen Musharrixiinta u tartamaya xilalka saddexda ah.

Waxaa uu sheegay in lacagtaas ay ku dhacday Bangiga dhexe ee dalka islamarkaana ay si wanaagsan u maamulayaan Guddiga.

Lacagta ayuu Xildhibaan Beyle sheegay in ay ku qaban doonaan doorashada Guddoonka iyo labadiisa ku xigeen iyo howlaha kale ee ay ka mid tahay amniga doorashada inta ay socoto.

Waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in aan musuq lagu sameyn lacagta laga qaaday musharrixiinta ee ay ku shubeen Bankiga dhexe ee Soomaaliya.

HALKAAN KA DHAGEYSO