DHAGEYSO WARBIXIN:- Waa Sidee Xaaladda Nololeed ee Qandala?

0

Nolosha Magaalaa Qandala ee Gobolka Bari ayaa caadi ku soo noqoneysa, ka dib markii magaaladaa ay ku dagaalameen ciidamada Puntland iyo maleeshiyo sheegtay inay taabacsanyihiin ururka daacish ee gacanta ku haya qeybo ka mid ah Ciraaq iyo Syria.

Magaalada ayaa si lama filaan ah ugu gacan gashay Maleeshiyada Daacish sheegatay 26-kii bishii October, waxaana dib ay ciidmada Puntland u qabsadeen 7-dii bishii December.

Dhinaca kale, magaalada waxaa maanta gaaray Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

HALKAAN KA DHAGEYSO WARBIXIN