AKHRISO: FARIIN MUHIIM AH OO KU SOCOTA DHAMAAN SHACABKA SOOMAALIYEED.

0

ASC WR WB

KU: DHAMAAN SHACABKA SOOMAALIYEED MEEL WALBAA OO AY DUNIDA KA JOOGAAN.

KA: KACDOONKA BAD BAADI DALKAAGA IYO DADKAAGA.

SUBAX WANAAGSAN, COD MALIHID, WAXNA MA DOORAN KARTID, BALSE DALKA AYAA LEEDAHAY, MUUJI DAMIIRKAAGA WADANINIMO.

Ma Doonaysaa inaad ka qayb qaadato isbadal aan dhiig ku daadan, aadna ku bad baadinayso dalkaaga iyo dadkaaga?

Haddii ay jawaabtaadu tahay haa, waa sahal waxa lagaa doonayo inaad dalkaaga iyo dadkaaga ku bad baadiso waa.

Qof walba oo Soomaali ah waxaa mas’uuliyad ka saaran tahay bad baadinta dalkiisa iyo dadkiisa Soomaaliyeed, haddii aad ku nooshahay dalka dibeddiisa ama gudaha dalka ogoow dalkan waa dalkaagi iyo dhaxalka ubadkaaga, dadka Soomaaliyeedna waa dadkaagi oo maanta u baahan codkaaga inaa ku bad baadiso.

Sidaa awgeed haddii aad leedahay damiir ama dareen wadani oo aad ku diido in dalka iyo dadka gacanta Soomaali kasii baxaan soo saaro sawirkan ama sticker-kan bogaaga facebook ama ku dhaji gurigaaga hortiisa ama gaariga aad wadato, meel walba oo aad dunida ka joogtaan muujiya dareenkiina wadaninimo. MUUJINTA DAREENKAAGA DALKA WAA LAGU BAD BAADIN KARAA.

Soomaaliya Soomaali baa leh, Soomaaliya Hanoolaato, Cadowgeedana Ha Dhaco!

Wabilaahi Tawfiiq

KACDOONKA BAD BAADI DALKAAGA IYO DADKAAGA