WAR DEG DEG AH:- Iska hor imaad ka dhacay Degmada Warshiiq

0

Wararka inaga soo gaaraya degmada Warshiiq oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay iska hor imaad khasaare geystay.

Iska hor imaadkan ayaa waxa uu u dhaxeeyay Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka, kadib markii ay ku murmeen maamulida bar kontarool oo ay gaadiidku maraan oo ku taala afaafka hore ee degmada Warshiiq.

Sida la sheegay iska hor imaadkan ayaa waxaa ku dhimatay Saddex Askari oo labada dhinac ka kala tirsan, iyadoo khilaafka labada dhinac uu soo jiitamayay maalmihii la soo dhaafay.

Dadka Degaanka ayaa Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ugu baaqay in wax laga ka qabto isbaarooyinka iyo baraha koontarool ee aan sharciga ahayn ee ka jira Gobolka.

Dhowr jeer oo hore ayaa sidan oo kale waxa uu iska hor imaad uu Degmada Warshiiq ugu dhexmaray Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.