DHAGEYSO:- Xildhibaanada Baarlamaanka oo Maanta Dhageystay Khudbadaha Musharaxiinta u tartameysa Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenka Koowaad

0

Musharixiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Ku Xigeenka Koowaad ee golaha Shacabka ayaa Maanta Khudbadahooda Musharaxnimo ka hor jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka.

Musharaxiinta u taagan qabashada Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Khudbadahooda jeediyay waxa ay kala yihiin Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), Xildhibaan C/fitaax Ibraahim Geeseey, Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqkhtar iyo Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhageystay dhamaan 4 Musharax ee Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka u tartamaya iyo 6 Musharax ee u tartameysa Xilka Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka.

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo u tartamaya Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhalinyarada Xildhibaanada ah ee Cusub ugu baaqay iney la yimaadaan Isbadal iyo waxqabad wanaagsan.

Sidoo kale Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir oo u tartamaya Xilka Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka ka dalbaday iney codkooda siiyaan.

Maalinta berito ah ayaa waxaa lagu wadaa in Khudbadahooda Musharaxnimo ay Xildhibaanada ka hor jeediyaan Musharaxiinta u tartameysa Xilka Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Baarlamaanka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-