Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay Qaraxyo loo adeegsaday miinooyin lagu aasay Maqaayad ku taalla fagaaraha Tarabuunka ee degmada Hodan.
Inta la xaqiijiyay 5 qof ayaa ku dhimatay ,11 kalena waa ay ku dhawaacmeen Qaraxyadaasi.
Maqaayadda la beegsaday ayaa la sheegay inay fadhiistaan ciidamada dowladda Soomaaliya.
Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Cabdifaatax Cumar Xalane oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa xaqiijiyay in Qaraxyadaasi ay ka dhasheen Miinooyin dhulka lagu Aasay.
Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa Xalay Hakad ka geliyay isku socodka Gaadiidka Dadweynah ee Isgoyska Tarabuunka.
Hoos ka Dhageyso Codka:-