TOP DHAGEYSO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka Hadlay is qab qabsiga u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu ka hadlay is qab qabsiga Hay’adaha Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay muhiim in ay tahay in la yareeyo khilaafaadka, is qab qabsiga, si loo gaaro hormar iyo wada noolaansho.

Waxa uu sheegay wax la wada ogal yahay in lagu wada shaqeeyo, lana raadiyo si uusan u imaan khilaaf iyo is qab qabsi, hadii wada ogalka la isku fahmi waayana intaasi kadib la raadiyo Qaanuunka.

Hadalkan ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ka sheegay xilli shalay uu xariga ka jarayaay xarunta KMG ah Aqalka Sare ee Barlamaanka cusub ee Soomaaliya, sidoo kalena uu furay Kalfadhiga koowaad ee Aqalka Sare.

HALKAAN KA DHAGEYSO