DHAGEYSO:- Ugaas Xasan oo Fariin u diray dadka kunool Gobolka Hiiraan, Amar Culusna dul dhigay

0

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka mid ah Ugaasyada ugu caansan gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay shacabka kunool Hiiraan in ay ka shaqeeyaan Nabadda.

Waxaa uu sheegay in dadka kunool gobolkaasi looga baahan yahay in ay gacmaha is qabsadaan si looga hortago dhibaatooyin ka imaan kara dagaalada ku saleysan Anooyinka Qabiil ee Inta badan ka dhaca Hiiraan.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dadka kunool gobolkaasi laga rabo in ay ka fakaraan sidii bulshada reer Hiiraan ay nabad u wada heli lahaayeen.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa ka mid ah Hogaanka dhaqanka gobolka Hiiraan , waxaana inta badan ka dhaca gobolkaasi dagaallo ay ku dhintaan dad badan oo shacab ah.

Hoos ka Dhageyso Codka:-