DHAGEYSO:- Faah faahino dheeraad ah oo laga helayo Qarax ka dhacay Muqdisho

0

Faah faahin dheeri ah ayaa waxa ay ka soo baxeysaa Qarax saakay ka dhacay Degmada Howlwadaag gaar ahaan halka loo yaqaano Maalin-taajir oo ka tirsan suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxa uu ahaa mid lagu soo xiray Gaari nuuciisa uu yahay Raaxada, waxaana lahaa Ganacsade Cusmaan Dheere oo ka mid ahaa Ganacstada ku nool Magaalada Muqdisho, inkastoo xilliga Gaariga uu Qarxayay Ganacsadaha uusan saarneyn, islamarkaana uusan ka dhalan khasaare nafeed.

Wararku waxa ay sheegayaan Qorshaha in uu ahaa in Ganacsade Cusmaan Dheere lagu qaarijiyo Qaraxaasi, haseyeeshee uu ka badbaaday, waxaana ilaa iyo hada aan cadeyn falkaasi dilka ahaa ee la doonayay in lagu dilo Ganacsadaha.

Ganacsade Cusmaan Dheere ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa dadkii u ololeynayay xildhibaanadii lagu soo doortay Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Maamulka Galmudug.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada Qaraxaasi, laakiin Ganacsadaha oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in uusan dooneyn in uu warbaahinta ka hadlo.

Ciidamada Ammaanka oo gaaray goobta Qaraxa uu ka dhacay ayaa Howlgal ay sameeyeen, waxaanan jirin cid ay ku soo qabteen.

Hoos ka Dhageyso Codka:-