TOP NEWS:- Doorashada Aqalka Hoose ee Beelaha ka soo jeeda Somaliland oo Maanta dib u bilaabatay

0

Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa dib uga bilaabatay Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Beelaha ka soo jeeda Degaanada Maamulka Somaliland.

Doorashada Maanta ayaa illaa hadda waxaa ku soo baxay  Biixi iimaan Cige,C/risaaq Daahir Maxamuud iyo Saciid Maxamed Maxamuud.

Dhanka kale Maanta oo ah 22-December waxaa loo Madlanaa in Magaalada Muqdisho ay ka dhacdo Doorashada Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Balse dib u dhac uu ku yimid lamana oga Xilliga rasmiga ah ee la qabanayo.

Horay waxaa uu dib u dhac ugu yimid Dhaarita Baarlamaanka Cusub oo Madasha Wada-tashiga Qaran ay sheegeen inuu dhacayo 15-ka Bishaan oo la soo dhaafay.