TOP DHAGEYSO:- Degmooyin ku yaala Muqdisho oo Xalay la beegsaday iyo Saraakiil Warbaahinta la hadlay

0

Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay Howlgallo gaar ah waxa ay ku beegsadeen Degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Saraakiiska Ciidanka Dowladda Federaalka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay ujeedka Howlgaladan in ay yihiin kuwo lagu baadi goobayo, xubno lala xiriirinayo Ururka Al-shabaab, sidoo kalena looga hortagayo weeraradooda.

Ciidanka Dowladda ayaa xalay Howlgallada si gaar ah waxa ay uga sameeyeen xaafadaha Via Liberia, Suuqa Beerta, Ansalooti, wadada Israac iyo xaafado kale.

Taliyaha Booliska qeybta Gobolka Banaadir Korneel Bishaar Abshir Geedi oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay Howlgadan in ay yihiin kuwo amniga lagu sugayo, maadaama Magaalada Muqdisho ay ka socdaan Doorashooyin.

Waxa uu sheegay baaritaano is daba joog ah in ay ka bilaabeen Degmooyinka ku dhow goobaha ay ka socdaan Doorashooyinka, si loo xaqiijiyo amniga, isagoo sidoo kale sheegay Ciidanka Amniga in ay ku guuleysteen sugidda amniga.

Dhowaan ayay aheyd markii Qarax dad badani ay ku dhinteen uu ka dhacay afaafka hore ee Dekada Magaalada Muqdisho, waxaana qaraxaasi Mas’uuliyadiisa sheegtay Shabaab.

HALKAAN KA DHAGEYSO