MAQAAL:-Galmudug oo qeylo dhaan ka muujisay Abaaro deegaanadeeda ka taagan

0

Iyadoo Xaalado adag oo Dhinaca Beni’aadanimada  ah Laga Soo Sheegayo Deegaano Iyo Dagmooyin Hoostaga Gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa waxaa Arrimahaasi oo idil ka hadlay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.

Naciimo Maxamad Maxamuud oo ah Wasiirka Wasaaradda  Caafimaadka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in mida ugu daran ee haatan tagay  tahay Cudurro iyo Abaaro halkaas ka taagan.

Waxaana ay intaas sii raacisay in Caruur badan ay u geeriyoodeen  kuwa kalana ay la il daran yihiin Cudurka Shuban Biyoodka iyo Nafaqo darrida.

Wasiirka  Caafimaadka Maamulka Galmudug Naciimo Maxamad oo hadalkeeda sii wadata  ayaa carabka tilmaamtay in sidoo kale abaaro daran ay ka jiraan Gobolka Mudug  iyo deegaanno kale oo  hoostaga iyadoo tilmaamtay in dhowr jeer  ay u qeylo dhaamiyeen Hay’adaha Deeqda Bixiya.

Ugu dambeyn ayey sheegtay in dadkaasi abaartu saameysay in Gurmada kala duwan oo la gaarsiiyay ay ku filnaan waayeen.

Indhawaahaan ayaa Abaaro waxa ay ka taagnaayeen qeybo badan oo ka tirsan Gobollada Dalka Soomaaliya.