Ku dhawaad 20 Ruux oo ku geeriyooday Magaalada Buuloburde

0

Wararka laga helayo Magaalada Buuloburde ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyay ay halkaasi ugu geeriyoodeen shuban biyood.

Shuban biyoodkan ka dilaacay Degmada Buuloburde ayaa sidoo kale Xalay waxaa u geeriyooday ilaa iyo 4 Ruux.

Tobanaan kale oo ay ku jiraan caruur ayaa la ildaran cudurkan, kuwaasi oo haatan lagu dabiibayo Isbitaallada ku yaalla Magaaladaasi.

Muddooyinkii dambe, cudurkan ayaa faro ba’an ku hayay Degaano iyo Degmooyin dhaca Koonfurta iyo Bartamaha Dalka Soomaaliya.