Al Qaacida oo qiratay in sarkaal sare laga dilay

0

Al Qaacida ayaa xaqiijisay in mid ka mid ah saraakiisheeda sare, Faaruuq Al Qaxtaani, ay ku dileen dayaaradaha bilaa duuliyaha ah ee Maraykanka waqooyiga bari ee Afgaanistaan muddo bil laga joogo.

Washinton qudheeda ayaa dilkan xaqiijisay 5tii bishan November, ayagoo ku tilmaamay inuu ahaa weerar si sax ah u dhacay.

Laakinse Al Qaacida waxay sheegtay in xaaskiisa iyo carruurtiisa iyagana la dilay, iyo sidoo kale tiro aan la cayimin oo dagaallamayaal ah.

Maraykanka ayaa Al Qaxtaani, oo ah Sacuudi haysay dhalashada Qadar, ku daray liiska dadka uu aadka u doondoonayey, wuxuuna sheegay in lagu tuhunsanaa ku lug lahaanshaha weerarro la doonayey in lagu qaado Yurub iyo Maraykanka.