Jawaari oo Baydhaba u doontay kursi Baarlamaan & Shariif Xasan oo qorshe Culus u diyaarsaday (AQRI)

0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ee waqtigiisu dhammaaday ayaa maanta tegay magaalada Baydhaba ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed.

Guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) waxaa garoonka Baydhaba ku soo dhoweeyay guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif, waxaana lagu wadaa in magaalada Baydhaba ay beri ka bilaabato doorashada aqalka hoose.

Mudane Jawaari ayaa la sheegay in kursigiisa xildhibaannimo ee aqalka hoose uu bannaanka u yaallo, laakiin waxaa la soo weriyay inuu jiro qorshe uu si hoose u wado madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo doonaya inuu ciriiri geliyo Prof. Jawaari.

Qorshaha Shariif Xasan ee ah inuu u tartamo xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa caqabad ku ah Maxmed Cismaan Jawaari oo doonaya inuu dib ugu laabto hogaanka baarlamaanka Federaalka.

Loolanka labada mas’uul u dhaxeeya ahaa isla kii dhexmaray sanadkii 2012 oo Shariif Xasan ku fashilmay, waxaase muuqata in Shariif Xasan wado qorshe Jawaari lagu seejinayo kursiga Aqalka hoose si aanay ugu suuragelin inuu guddoomiye Baarlamaan isu sharxo.