DHAGEYSO:- War Cusub oo ka soo baxay Dowladda Imaaraadka Carabta iyo Heshiiskii Labada Madaxweyne

0

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ka hadashay kulan Madaxda maamul goboleedyada ay ku yeesheen   Magaalada Dubai ee xarunta Wadanka Imaaraadka Carabta.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in heshiis horudhaca laga gaaray colaadii u dhaxeysa maamulada Puntlad iyo Galmudug ee maalmihii lasoo dhaafay ka taagneyd Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

“Hadii aan nahay dowladda Imaaraadka Carabta waxaan si weyn u soo dhaweynaynaa heshiiska Madaxda maamulada puntland iyo Galmudug ay ka gaareen Colaada ka taagan Magaalada Gaalkacyo , islamarkaana ku saleysan muranka dhanka xuduudaha” ayaa lagu yiri war lagu daabacay Wakaalada Wararka ee dalka Imaaraadka Carabta.

Ka dib dhowr maalmood  Imaaraadka Carabta uu wadahadalsiiyay Madaxda maamulada Galmudug, Puntland, Koonfur Galbeed, Jubbaland, Hirshabeelle ayaa waxaa suurta gashay in heshiis laga gaaro colaadii ka taagan Magaalada Gaalkacyo, waxaana laysku afgartay in loo xil saaro guddi Xal ka gaara Colaada ka taagan Gaalkacyo.

Dowladda  Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale sheegtay in ay sii wadi doonto taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya , islamarkaana dowladda  Imaaraadka  carabta ayaa sheegtay in ay qeyb qaadan doonto sidii nabad buuxda loogu soo dabaali lahaa dalka Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-