DHAGEYSO:- Maamulada Puntland iyo Galmudug oo Maxaabiis isdhaafsaday

0

ka dib dadaal dheer oo ay Galeen ganacsatada iyo sidoo kale waxgaradka gobolka Mudug, ayaa waxaa suurta gashay in shalay gelinkii dambe ay Isdhaafsadaan maxaabiis maamulada Puntland iyo Galmudug oo ku dagaalsan Magaalada Gaalkacyo.

Nabadoon Cali Diiriye Aloore oo ka mid ah Waxgaradka gobolka Mudug ayaa sheegay in ganacsatada iyo sidoo kale waxgaradka gobolka Mudug ay suurta geliyeen in la isdhaafsado dadkii labada dhinac ay maalmihii lasoo dhaafay kusoo qabteen dagaalkii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Nabadoonka ayaa sheegay in dadkaasi ay u badnaayeen dad shacab ah oo kasoo kala jeedada maamulada Puntland iyo Galmudug.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Waxgaradka iyo sidoo kale Ganacsatada Magaalada Gaalkacyo ay wadaan waan waan ay ku doonaayaan in ay ku kala qaadaan ciidamada isku horfadhiya Galbeedka Magaalada Gaalkacyo.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa Magaalada Gaalkacyo , waxaa ka dhacaayay dagaal culus oo u dhaxeeya maamulada Puntland iyo Galmudug.

Hoos ka Dhageyso Codka:-