TOP DHAGEYSO:- Madaxweynihii hore Puntland Faroole oo si Kulul ula hadlay Xasan Sheekh soona bandhigay sida uu Dagaalka Gaalkacyo ugu Fashilmay Ra'iisul wasaare Cumar

0

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya in uu tago Magaalada Gaalkacyo.

Faroole ayaa sheegay in dagaalka Gaalkacyo uu  sii xoogeysanaayo , islamarkaana dadkii shacabka ahaa ee ka barakacay Gaalkacyo ay ku dhibaateysan yihiin duleedyada Magaalada.

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayuu sheegay in uusan xal ka gaarikarin  colaada Magaalada Gaalkacyo, madaam uu sheegay in  dagaalku uu u dhaxeeyo labo maamul.

Madaxweynaha Soomaaliya ayuu sheegay haduu uusan tagin Magaalada Gaalkacyo  in lagu tuhmikaro colaada Gobolka Mudug  in uu ku lugleeyahay .

Gaalkacyo waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya ciidamada Maamulada Galmudug iyo Puntland, iyadoo dagaaladaasi uu  saameyn ku yeesheen guud ahaan Magaalada Gaalkacyo.

HALKAAN KA DHAGEYSO