WARKII ugu dambeeyay Weerarka Al-Shabaab ku sheegteen inay Gacanta ku hayaan Afgooye

0

Wararkii ugu dambeeyay ee degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose laga helayo ayaa sheegaya in xaaladda degmadaasi ay kacsantahay.

Gudaha degmada ayaa la soo warinayaa in dagaal fool ka fool ah uu ku dhexmarayo Ciidamada Dowladda iyo Dagaalamayaasha Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa waxa ay degmada Afgooye  ay ka soo weerareen 4-ta jiho ee degmadaasi.

Warar ayaa sheegaya in Al Shabaab inta badan degmadaasi Afgooye ay Al Shabaab la wareegeen.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo markii looga xoog roonaaday dagaalka qeybo ka mid ah degmada Afgooye d dib uga gurtay ayaa la xaqiijiyay in Ciidamada AMISOM ay ku soo baxeen haatana dagaal dagaal iyaga iyo Al Shabaab ku dhexmarayo Suuqa Xoolaha ee degamda Afgooye.

Waxaana sidaasi noo xaqiijiyay Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.