Abuukar Axmed Xaashi oo noqday qofkii ugu dambeeyay ee ku guuleysta Doorashada Aqalka Sare ee Galmudug

0

Waxaa soo dhamaatay Doorashada Aqalka Sare ee ka socotay Xarunta Baarlamaanka Maamulka Galmudug ee fadhigiisa ay tahay Magaalada Cadaado ee Gobolka Mudug.

Qofkii ugu dambeeyay ee Doorashada Aqalka Sare ku soo baxa, ayaa wuxuu noqday Abuukar Axmed Xaashi oo helay codad gaaraya 45 cod.

Abuukar oo la tartamaayay Macalin Cumar Sheekh Ciise, ayaa ku guuleystay Kursigii ugu dambeeyay ee Xubnaha Aqalka sare ku biira Galmudug.

Macalin Cumar ayaa helay codad gaaraya 43 cod, halka Abuukar uu guusha ku hantay labo cod oo kaliya.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa kala xushay 19 ruux oo u taagnaa qabashada Xubnaha Aqalka Sare ee Galmudug, waxaana ay doorteen 8 xubnood oo Galmudug ay ka heshay qaybsiga Aqalka Sare ee dalka.

Maamulka Galmudug ayaa noqday maamulkii ugu horeeyay ee Doorta Xubnaha Aqalka Sare, iyadoo ay dhiman yihiin Maamulada kale ee dalka ka jira Doorashadooda Aqalka Sare.