TOP DHAGEYSO:- Maxay tahay Ujeedada laga lahaa Dagaalkii ka dhacay Deegaanka Godinlabe ?.Ogow Sababta

0

Waxaa Odayaal iyo Waxgarad kasoo jeeda Gobollada Dhexe Ee Soomaaliya ayaa waxa ay ka hadleen Dagaalkii Shalay Ka dhacay Deegaanka Godinlabe Ee Gobolka G/gaduud.

Odayaasha ayaa waxay sheegeen in ay jirto Colaada laga abaabulay Godinlabe Ee Gobolka G/gaduud islamarkaana ay Galmudug ku Eedeysay inay ka damebyso.

Cali Dhoof Ugaas Nuur oo ka mid ah Waxgaradka Taageersan Ahlusunada Gobollada Dhexe ayaa waxa uu sheegay inay dareemayaan Galmudug dooneyso sidii ay dhibaatada timid dusha usaarayaan.

Waxa uu Cali Dhoof tibaaxay in Khasaaro xoogan uu geystay waxaana wax lala yaabo ku sheegay meel Nabad gelyo ah la weeraray.

Cali Dhoof Nuur ayaa ku baaqay in La joojiyo Dagaalka Ka Socda Gaalkacyo,Daac dheer iyo Godinlabe oo Xasuuqa Shacabka ku sheegay inay qeyb ka tahay mid lagu sameenayo sida uu warka udhigay.

HALKAAN KA DHAGEYSO