FAAHFAAHIN:- Ciidamada Galmudug iyo Puntland oo isku hor fadhiya Galbeedka Gaalkacyo iyo Xaalada Magaalda oo kacsan

0

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in xaalada ay maanta tahay mid aad u xun , waxaana xalay magaalada ka baxay dadkii shacabka ahaa ee ku sugnaa labada dhinac oo ay ka kala taliyaan maamulada Puntland iyo Galmudug.

Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa isku horfadhiya Galbeedka Magaalada Gaalkacyo, waxaana la sheegaya in ay qarka u saaran yihiin in ay isku dhacaan.

Shalay Gelinkii dambe ayaa magaalada waxaa ka dhacay dagaal culus oo ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab u badan oo ku sugnaa xaafadaha magaalada Gaalkacyo.

Dadkii ku dhaawacmay Dagaalkaasi ayaa waxaa loo qaaday isbitaalada ku yaalla Koonfurta iyo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad.

Wada hadaladii u dhaxeeyay Waxgaradka Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa burburay, maadaama Dagaal u dhaxeeya labada dhinac uu markale ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Maamulka Puntland ayaa dhowaan ku dhawaaqay in ay la dagaalamayaan Dagaalyahanada Shabaab iyo Galmudug oo ay sheegeen in ay ku soo duuleen Deegaanadooda.