Musharax Faarax Cabdi Xasan Oo Kamid ah musharaxiinta kasoo jeeda magaalada Caabudwaaq ee u tartamaya Xildhibaanimada Dowladda Dhexe ee Federaalka ah ayaa waxa uu baaq Nabadeed u diray dhamaan dadka reer Caabudwaaq.
Mudane Faarax Cabdi Xasan ayaa isagoo wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta Allgalgaduud Media waxa uu ka warbixiyay arrimo la xiriira waxqabadkiisi hore ee deegaanka iyo qorshaha musharaxnimadiisa.