Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo Magaalada Cadaado ku sugan ayaa farrin Adag u diray maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlusunna oo uu Hogaamiyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.
Wasiir Odawaa ayaa wax uu ku sheegay Koox uu hoggaamiyo Sheekh Maxamed Shaakir in ay Afduub ku heystaan Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug , isagoo ugu baaqay in ay xayireen duubabkii soo xuli lahaa Xildhibaanada Baarlamaanka ee Galmudug oo u soo socday Magaalada Cadaado.
Ahlusunna ayuu sidoo kale u jeediyay Wasiir Odawaa in ay ka Tanaasulaan Caburinta Shacabka islamarkaana aan Caburin waxba lagu sixi karin.
Hoos ka Dhageyso Codka:-