TOP DHAGEYSO:- Ku simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo arimo Amniga quseeya ka hadlay

0

Ku simaha Madaxweynaha ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Xasan Fiqi ayaa wuxuu ka hadlay Dagaaladii maalmihii u dambeeyay ka dhacayay Deegaanadaasi iyo Amniga guud ee Koonfur Galbeed.

Maxamed Xasan Fiqi Ku simaha Madaxweynaha ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay in Ciidanka gacan lagu siiyo sidii ay uga guleysan lahaayeen Shabaab.

Wuxuu sheegay in Ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa Dowladda ay ka go’an tahay in ay sugaan amaanka Degmooyinka iyo Deegaanada Maamulka Koonfur Glabeed

Ku simaha Madaxweynaha ahna Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Xasan Fiqi ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu ka qeyb galayay Munaasabad loogu dabaal degayay 21-ka September oo ah maalinta Nabada Aduunka, taas oo lagu qabtay Magaalada Baydhabo.

HALKAAN KA DHAGEYSO