Hay’adda Amnesty International oo dhaliishay booliska Dalka Nigeria

0

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in Ciidamada booliska gaarka ah ee ka hortaga falalka Burcadda ee dalka Nayjeeriya si aad ah looga baqo, taasoo sabab u ah talaabooyinka arxan darrada ah ee ay u geystaan shacabka dalka Nayjeeriya.

Amnesty waxay sheegtay in falalkaasi ay ka ogaadeen dad iyagu horay loo xiray, kuwaas oo loo geystay dhibatooyin ay ka mid yihin jirdil, ceejin ,cunnada oo laga reebo iyo dilal kuwaas oo hay`addu sheegtay in ay fuliyaan boolis laaluush qaatayaal ah.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in ciidamada Booliska ee la doonayay in ay ilaaliyaan dadka rayidka ay abureen xaalad cabsi iyo musuq-maasuq baahsan ah.

Waxaa sidoo kale warbixintaasi lagu sheegay in boolisku ay faraha la galeen xaalad arxan darro iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, iyadoo dadka dhibanayaasha lagu sii hayo xabsiga ilaa iyo inta ay ka qiranayaan dambiyada, ama ay ka bixinayaa lacago laalush ah.

Dadka la xiro ayaa la geeya goobo badan oo uu ka mid yahay xabsiga dhexe ee Magaalada Abuja oo ay Hay`addu ku tilmaamtay ‘kawaan dadka lagu qalo’ kaasoo ah xabsi aad u ciriiri badan oo ay ku jiraan 130 maxaabiis ah.

Saraakiisha booliska ee dalka Nayjeeiya ayaan ilaa imika wax jawaab ah ka bixinin eedeymaha loo soo jeediyay booliska.