TOP DHAGEYSO:- Maamulka Jubbaland”Xaasaska Saraakiisha Ururka Al-shabaab ka baxa Magaalada Kismaayo”

0

Hay’adaha Amniga Maamulka jubbaland ayaa xaasaska Saraakiisha Ururka Al-shabaab waxa ay ku amreen in ay isaga baxaan Magaalada Kismaayo ee Maamulka Jubbaland.

Axmed carab oo Afhayeenka Laamaha Amniga Maamulka Jubbaland oo warbaahinta la hadlay ayaa digniin u diray xaasaska Saraakiisha Ururka Al-shabaab ee ku nool Magaalada Kismaayo in ay isaga baxaan Deegaanada Jubbaland inta aan la sameyn Howlgallo lagu baadi goobayo.

Afhayeenka Laamaha Amniga Maamulka Jubbaland Axmed carab ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in ay ogyihiin xaafadaha ay kaga sugan yihiin Magaalada Kismaayo xaasaska saraakiisha ururka Al-shabaab, oo inta aan loogu soo gelin ay iyagu isaga baxaan.

Al-shabaab ayaa waxa ay ku sugan yihiin Deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Maamulka Jubbaland, iyagoo mararka qaar halkaasi kula Dagaalama Ciidanka Maamulka Jubbaland.

HALKAAN KA DHAGEYSO