DHAGEYSO: Faysal Cali Waraabe "Aniga Iyo Rag Ila Mid Ah Waxaan Doonaynaa Inaan Gacan Ka Geysano Doorashada Soomaaliya".

0

Dalka Soomaaliya maalmo kadib waxa ka dhacaya Doorashada Madaxtinimada Dalka iyo mida baarlamaaniga ah oo Murashaxiin dhowr ah isa soo taageen.

Doorashadaasi waxa indhaha ku haya Beesha Caalamka iyo Soomaalida kuwaas oo eegaya sida ay noqon karto iyo Shakhsiga Hogaanka Qaban doona.

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Ee Soomaaliland Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inuu doonayo sidii Doorashada Soomaaliya xaq iyo xalaal udhici laheyd uu ka qeyb qaato isagoo dhaliilay Xasan Sheekh intuu xilka hayey.

Waxa uu sidoo kale Feysal Waraabe si gaar ah ula hadlay Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya oo Xilalka ay hayaan uu ku sheegay marti inay ku yihiin oo Soomaaliland ay dacaayada ka daayaan sida uu hadalka udhigay.

 

 

HALKAAN KA DHAGEYSO