VIDEO+SAWIRRO:- Madaxweynaha Kenya oo si Cajiib ah loogu soo dhaweeyay Muqdisho

0

Diyaaradii Siday Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa goor dhow ka degtay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, si uu uga qeyb galo shir Madaxxeedka urur Goboleedka IGAD.

Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo Wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno kale.

Waxaa sidoo kale goor dhow lagu wadaa in Muqdisho ay soo gaaraan Madax kale oo ka tirsan Urur Goboleedka IGAD, waxaana si weyn loo adkeeyay amaanka Muqdisho gaar ahaan goobta uu ka dhacay shirka.

Shir madaxeedkan oo saaka furmaya ayaa waxaaa ka qeybgalaya toddobada waddan ee ururka xubnaha ka ah ee kala ah: Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jamhuuriyadda, Djibouti, Jamhuuriyadda Ethiopia, Jamhuuriyadda Kenya, Jamhuuriyadda Koonfuurta Suudaan, Jamhuuriyadda Suudaan, iyo Jamhuuriyadda Uganda.

1 2 3 4