DHAGEYSO:- Baarlamaanka Jubbaland oo isku raacay in gurmad deg deg ah lala gaaro dadka Shacabka ah ee ku nool deegaanada laga saaray Al-Shabaab

0

Kulan ay Magaalada Kismaayo ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ayaa waxa ay ku sheegay in gurmad deg deg ah la gaarsiinayo goobaha laga saaray Al-Shabaab.

Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ayaa sidoo kale isku raacay in mar walbo laga war hayo Dadka Shacabka ah ee ku nool deegaanada Jubbaland.

Xildhibaan Bashiir Maxamed Baahane oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in la isku raacay in si wadajir ah loogu gurmado dadka shacabka ah ee ku nool goobaha laga saaray Al-Shabaab.

Xildhibaan Bashiir ayaa sidoo kale sheegay in Magaalada Kismaayo lagu qabanayo Shirk ay ka soo qeyb galaya Hay’addaha ka shaqeeya arrimaha samafalka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-