DHAGEYSO:Maamulka Iyo Shaqaalaha AGGM Oo Idin Leh CIID MUBAARAK Wa Kulu-Caam Wa Antum Bi Khayr.Iyo Heesteena Maalinta Ciida.

0

Waxaa mahad leh Allaah Subxaanahu Watacaalaa ee inoo sahlay in aan markale hambalyada ciida barakaysan ee Ciidul Adxaa u soo tebino dhammaan akhristayaasha Allgalgaduud Media meel walba oo ay dunida ka joogaan, Waxaan sidoo kale halkan iyagana hambalyo uga tebineynaa dhammaan umadda Islaamka ah oo beri ku ciidaya daafaha dunida.

Waxaan xujeyda sannadkan 1437 A.H u rajaynaynaa baraare iyo barwaaqo iyo in Allah ka aqbalo cibaadadooda. Dhammaan muslimiinta meel kasta ay joogaana waxaan leenahay CIID MUBAARAK, Soomaaliya waxaan Allah uga baryaynaa in uu kadhigo dhul nabad, iyo barwaaqo ah, dadka Soomaaliyeedna Allah niyadooda ha isuwanaajiyo.Dunida oo dhanna waxaan u rajaynayneynaa nabad waarta.

Waxaa bahda Allgalgaduud Media si gaara ugu mahadnaqayaan dhammaan akhristayaasheena noo soo diray hambalyada ciida barakaysan ee Ciidul Adxaa , waxaana dhammaan idiin soo tebineynaa hambalyo taas lamida.

Allah sannadkan fooda inagu soo haya ee 1438 hakadhigo sannad nabad iyo barwaaqo ay camirto dhulka Soomaaliya iyo dunida oo dhanba.

Mar labaad Hambalyada Ciid-Al-Adxa naga guddooma, Kulu Caam wa-antum Bikheyr, CIID MUBAARAK.

الله أكبر ، الله أكبر ، الله أكبر ، لا إله إلا الله ، الله أكبر ، الله أكبر ولله الحمد

eid

Wabillaahi Towfiiq