DHAGEYSO:- Yuusuf Axmed Dabageed “Puntland Waxaan Wadanahay Dad Walaalo Ah,Ganacsiga Xayiraada Haka Qaadaan”.

0

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa markii ugu horeysay ka hadlay gaadiid xamuul ah oo maamulka Puntland ku xayiran deegaanada maamulkaasi uu ka arimiyo kadib amarkii dhawaan maamulkaasi uu ku mamnuucay gaadiidka ka taga koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ee dowlada Soomaaliya Yuusuf Axmed Hagar oo saxaafada kula hadlay magaalada Beledweyne ayaa ugu baaqay maamulka C/Welli Gaas in muddo 48 saac ah kusii daayaan gaadiidka ciidamadooda ku xayireen magaalada Gaalkacyo.
Gudoomiyaha Hiiraan wuxuu sheegay in ganacsato badan oo kasoo jeeda deegaanada Puntland iney ku sugan yihiin magaalada Beledweyne balse aysan jirin wax dhibaato ah oo loo geysto ganacsatadaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sidoo kale sheegay iney ka warhayaan in gaadiid badan lagu xayiray waqooyiga magaalada Gaalkacyo kuwaasi oo ka yimid deegaanada Bari ee Puntland kuna soo wajahnaa magaalooyinka bartamaha iyo koofurta Soomaaliya.

Isku soo wada duuboo Dabageed ayaa muddo saacado ah ugu baaqay Puntland iney kusii daayaan gaadiidleyda u xiran iyo gaadiidka ganacsiga wadda.

 

Hoos Ka Dhageyso