DHAGEYSO+SAWIRRO:- Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo dib ugu laabtay Magaalada Beydhabo ka dib Markii uu Fashilmay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran

0

Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dib ugu laabta Magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Beydhabo ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koofur galbeed.

Ilaa hada ma cada sababta ka dambeysa in Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya uu dib ugu laabtay Magaalada Beydhabo Xilli uusan Natiijo ka soo bixin Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo maalmihii dambe ka socday Muqdisho.

Saxaafada ayaa waxaa loo diiday iney Su’aalo Weydiiyaan, waxaana jirin hadal uu Saaxafada siiyay Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya.

 

 

 

HOOS KA DHAGEYSO

Hoos ka Daawo Sawirada:-

18 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17