DHAGEYSO:-Qaramada Midoobey oo lacag ugu deeqday Barakacayaasha Muqdisho ku Sugan

0

Qaramada Midoobey ayaa Soomaaliya ugu deeqday lacag loogu talagalay in lagu horumariyo dadka ku barakacay Soomaaliya , gaar ahaan gobolka Banaadir.

Lacagta ayaa la sheegay in lagu badbaadi doono noolasha kumaanaan qof oo ku jira xaalad deg deg ah ,kuwaa soo ku sugan qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Saraakiisha arimaha bani’aadamnimada u qaabilsan Qaramada Midoobey ayaa shalay ku dhawaaqday in ay Soomaaliya ugu deeqeen 7 Million oo dollar ka dib kulan ay yeesheen deeqbixiyaasha Caalamka.

Deeqdaan ayaa lagu taageeri doonaa Barakacayaasha kunool degmooyinka Kaxda iyo Dayniile ee gobolka Banaadir.

Qaramada Midoobey waxa ay sheegtay in degmooyinkaasi ay kunool yihiin ku dhawaad 120,000 qof oo barakacayaal ah.

Dhinacyada laga taageeri doono barakacayaasha waxaa ka mid ah waxbarashada, Caafimaadka, hoyga, iyo sidoo kale in ay helaan noolal wanaagsan.

”  Dadka ku barakacay gudaha Soomaaliya , waxa ay la kulmaayaan dhibaatooyin kala duwan , waxaa muhiim in dadkaasi laga taageero waxyaabaha noolashood Aas aasiga u ah, way dhibaateysan yihiin dadka ku barakacay gudaha  Muqdisho ” ayuu yiri isku -duwaha Qaramada Midoobay arimaha bani’aadamnimada ee Soomaaliya , Peter de Clercq .

isku -duwaha Qaramada Midoobay arimaha bani’aadamnimada ee Soomaaliya , Peter de Clercq ayaa sidoo kale sheegay in dadka kunool Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ay la kulmayaan dhibaatyooyin kala duwan oo loo baahan yahay in laga caawiyo.

HOOS KA DHAGEYSO