DHAGEYSO:- Madaxweynaha Soomaliya oo ka hadlay Sababta loo soo gabagabeyn la’ayahay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran

0

Waxaa maalinkii Shanaad si habsami leh uga socda Magaalada Muqdisho gaar ahaan Madaxtooyada Villa Soomaaliya Shirka Madasha Wadatashiga Hoggaamiyeyaasha Qaran.

Weli waxaa la isku mari la’ayahay arrinta la xiriira dhismaha Aqalka Sare iyo saamiga Gobollada oo qaarna ay saluugsan yihiin kuwo kalena lagu heysto in loo sad buriyay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Madasha Wadatashiga Qaran uu ka socdo magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in shirka laga soo saari doono go’aamo ku saabsan doorashada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay xaqiijiso ammaanka Soomaaliya.

Waxaa uu kulankan noqonayaa kii ugu dambeeyay ee Madasha Hoggaanka Qaran isugu yimaadaan, iyadoo shirkan kadib si toos ah loo dhaqaaqaayo hirgelinta hannaanka doorashada labada aqal iyo tan madaxtinimada.

Hoos ka Dhageyso Codka:-