DHAGEYSO:- Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay Sababta Wadooyinka Muqdisho loo xiray

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa waxa uu ka hadlay Xirnaanshaha wadooyinka Magaalada Muqdisho oo maalintii labaad xiran, xilli Bulshada Somaliyed ay arintaasi dhibaato xoogan ku qabaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay sababta ugu weyn ee wadooyinka Magaalada Muqdisho loo xiray inay tahay suggida ammaanka caasimada oo la filaayo maalmaha soo socda inuu ka qabsoomo Shir Madaxeedka Urur Goboledka IGAD.

Xasan Sheekh ayaa sheegay muhiim inay tahay xaqiijinta ammaanka Magaalada Muqdisho, iyadoo loo diyaargaroobaayo martigelinta Shirka IGAD.

Waxa uu sheegay Bulshada Somaliyed inay u dulqaataan maalmaha kooban ee ammaanka ay xaqiijinayaan ciidamada ammaanka Somaliya oo duruufo adag ku shaqeeya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ciidamada ammaanka wuxuu faray inay Bulshada si wanaagsan ula dhaqmaan oo aysan dhibaateyn, maadaama ciidamada Qaranka ay yihiin Difaacayaasha shacabka.

Shalay iyo maanta waxaa xirnaa wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho oo Bulshada waxa ay yihiin kuwa lugeynaya, maadaama ciidamada ammaanka ay xireen wadooyinkii Bulshada ay mari lahaayeen.

Hoos ka Dhageyso Codka:-