DHAGEYSO:- Madaxweynaha Dalka Suudaan oo diiday Inuu yimaado Muqdisho, Kana qeyb galo Shirka IGAD

0

Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa la sheegay inuu joojiyay ka qeyb galka Shir Madaxeedka IGAD Ee Qorshuhu yahay in lagu qabto Caasimadda Soomaaliya ee  Muqdisho 13-ka Bishaan oo ah Talaadada soo socota.

Sargaal u hadlay Dowladda Suudaan ayaa u sheegay Warbaahinta in Madaxweyne Al-bashiir uu joojiyay ka qeyb galka Shirka IGAD Sababo la xariira in lagu xiro Magaalada Muqdisho,maadaama ay Madaxweyne Al-bashiir ay ku raad joogto Maxkamadda Maxkamadda Dambiyada Adduunka ee loo yaqaano International Criminal Court (ICC) .

Cumar Al-bashiir ayaa qaba Cabsi ah in lagu xiri karo Muqdisho,maadaama Dowladda Federaalka ee Beesha Caalamka ay Taageerto aysan la heyn Awood ay ku Difaacdo ayna dhici kartana in Muqdisho Al-Bashiir oo Katiinadeysan laga kaxeysto.

Horay Shirka Midawga Afrika mar uu uga qeyb galay Dalka Koofur Afrika ayey Reer Galbeedku ku baaqeen in la xiro,balse Dowladda Koofur Afrika oo Heshiiska Maxkamadda International Criminal Court (ICC) Saxiixday wey diiday in ay dhiibto Al-bshiir Madaxweynaha Suudaan.

Soomaaliya Inkastoo aysan la heyn Awood looga baqo haddana ka mid ma ahan Dalalka Saxiixay ka mid noqoshada Maxkamadda ICC.

Hoos ka Dhageyso Codka:-