DAAWO+SAWIRRO: Isbaheysiga Xisbiyada Isbadal Doonka Soomaaliya Oo Ka Hadaly Xaalada Dalka.

0

Siyaasiyiinta ugu cad cad dhanka mucaaradka dowlada Xasan sheekh ayaa maanta ku yeeshay kulan xasaasi ah magaalada muqdisho waxaana ay wadaan qorshihii Xasan sheekh lagu fashilin lahaa si markale uusan xilka M/weynaha ugu guuleysan.

Kulankan oo ahaa mid ka duwan kulamadooda hore, ayaa lagu unkay madal loogu magac daray Isbaheysiga is bedel sameynta Soomaaliyeed, waxaana lagu arkay siyaasiyiin dhowr ah oo muddooyinkan aanay ka soo muuqan fagaarayaasha, sida Ra’iisul Wasaarihii hore C/wali Sheekh Axmed iyo C/raxmaan Baadiyow.

Musharaxiinta kulankan ka dhex muuqday ayaa waxaa ka mid ahaa C/raxmaan C/shakuur, Maxamuud Axmed Tarsan, Maxamed Cali Ameeriko, Cali Xaaji Warsame, Canab Maxamed oo aheyd haweeneyda kaliya ee ka muuqatay kulanka.

Waxaa kaloo kulanka ka dhex muuqday Salaad Cali Jeelle, Axmed Macalin Fiqi, Xasan Macalin, C/laahi Goodax Barre iyo siyaasiyiin kale oo lagu wado inay dhowaan ku dhawaaqeen Musharaxnimadooda.
HOOS KA DAAWO

lugeys-xisbiyada1

lugeys-xisbiyada