TOP DHAGEYSO:- Suldaanka Beesha Sacad oo ka hadlay arimo xasaasi ah oo ku saabsan Xiisada ka dhex taagan Galmudug iyo Puntland

0

Suldaan cabdi naasir jaamac seed oo ah suldaanka beesha sacad ayaa sheegay in wax garadka galmudug iyo puntland ay ka wada hadlayaan wixii dhaliyay dagaalkii dhawaan ka dhacay bariga gobalka mudug ee dhex maray malayshiyaad kasoo kala jeeda galmudug iyo puntland wuxuuna sheegay in xariiro badan oo ay lasameeyeen wax garadka gobalka mudug ee Maamul Goboleedka puntland ay ku balameen in xiisada wada hadal lagu dhameeyo
Suldaanka ayaa shacabka gobalka mudug ee galmudug iyo puntland ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nabada iyo xasiloonida gobalka mudug Si Looga Fogaado Dagaalo ka Dhaca Gobolka.

Hadalka kasoo baxay suldaan cabdi naasir jaamac seed ayaa imaanaya xili ay dagan tahay xaalada deegaanada balibusle iyo gacmafale ee bariga gobalka mudug