TOP DHAGEYSO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo Amaantii ugu weyneyd ka muteystay Qaramada midoobe iyo Sababta oo la ogaaday

0

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee arimaha Soomaaliya Danjire Michael Keating, ayaa ka hadlay Sharciga Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu shalay ku saxiixay Magaalada Muqdisho.

Sharciga uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud saxiixay ayaa ahaa Sharciga Axsaabta Siyaasadeed ee Dalka.

Waxa uu sheegay Danjire Michael Keating in Sharcigaan uu ka mid yahay Sharciyada ugu Muhiimsan ee Dalka Soomaaliya ka jira.

“Waa war ay ku farxaan Soomaalida, waxaan ugu hambalyeynaa Dowladda iyo Shacabkeeda in ay yihiin kuwo mar walba isku xiran, waxaana si gaar ah aan u amaanayaa Madaxweynaha Soomaaliya oo sharcigan saxiixay”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay gelinkii dambe qalinka ku duugay sharciga Axsaabta Siyaasadeed ee Dalka.

6-dii June ee Sanadkan 2016-ka ayay ahayd Markii Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyeen Sharciga Axsaabta Siyaasadeed ee Dalka.

HALKAAN KA DHAGEYSO