TOP DHAGEYSO:- Goormee ayuu Muqdisho ka furmayaa Shirka IGAD ? Rasmi

0

Dowladda Soomaaliya ayaa iclaamisay waqtiga uu sida rasmiga ah uu Magaalada Muqdisho kaga furmayo shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD.

C/salaan Cumar Hadliye oo ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Nairobi ayaa waxa uu sheegay in 10-ka Bishan uu Magaalada Muqdisho ka furmi doono Shirka Madaxda Wadamada IGAD.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynayaasha Wadamo ay ka mid yihiin South Sudan, Kenya, Uganda, Jabuuti, Ethiopia  iyo Dalal kale sida uu sheegay Wasiir Hadliye.

Wasiirka, ayaa sheegay shirkan in markii ugu horeysay ay tahay ee lagu qabto Magaalada Muqdisho, tan iyo markii ay Soomaaliya dib ugu soo laabatay dhabaha horumarka.

C/salaan Cumar Hadliye Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa ayaa ugu dambeyn sheegay in amniga goobta lagu qabanayo shirka IGAD uu yahay mid wanaagsan, isagoo sidoo kale sheegay in ay rajeynayaan in shirkan uu ku soo idlaado qaab wanaagsan.

HALKAAN KA DHAGEYSO