TOP DHAGEYSO:- Dad badan oo AMISOM guryaha kala baxeen iyo Howlgal aan caadi aheyn oo laga sameeyay Qeybo ka mid ah Muqdisho

0

Ciidanka Howlgalka u jooga Soomaaliya ee AMISOM oo garab ka helaya Ciidanka Dowladda ayaa shalay gelinkii dambe ilaa saqdii dhexe ee xalay waxa ay Howlgal gaar ah ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan Degmada Waaberi.

Howlgalka ayaa ahaa mid gaar ah oo ay Ciidamadu ka sameyeen xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Waaberi, iyagoo dadka qaar ee xaafada Degan ay weydiinayeen su’aalo gaar ah oo Qofka la xiriira.

Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee qeybta ka aheyd Howlgalkan ayaa Risaala u sheegay in ujeedka Howlgalkan uu ahaa mid lagu sugayay amniga Degmada oo maalmihii u dambeeyay ay ka dhacayeen Dilal qorsheysan.

Goobjooge lagu magacaabo Ismaaciil Caqiila oo Risaala u waramay ayaa sheegay in Howlgalka lagu soo qab qabtay dad kor u dhaafaya 70 Qof oo u badan Dhalinyaro, isagoo intaa ku daray in dadka Howlgalkan lagu soo qab qabtay ay Ciidamadu Gawaarida shabaqlaha ah ay ku wateen si baaritaano loogu soo sameeyo.

Maalmihii udambeeyay Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa Degmooyinka qaar ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay ka wadeen Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

 

HALKAAN KA DHAGEYSO