Shil khasaaro sababay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

0

Shilkaan gaari oo khasaaraha geystay ayaa maanta waxa uu ka dhacay Isgoyska Zoobe degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Goob Joogayaal ayaa Idaacadda Shabelle u xaqiijiyay in shilka ay ku dhaawacmeen 4 qof , waxaana mid ka mid ah dadkii Goob Jooga ahaa tilmaamay in Gaari nuuca Homey-da loo yaqaanno ah uu ku dhacay Tabeelaha  Nalalka Cadceeda ku shaqeeya , shilkana uu ka dhashay.

Gaadiidka Gurmadka deg dega ayaa dhaawacyada shilkaas ka dhashay ka qaaday goobta ay wax ka dhaceen.

Si kastaba Gaariga Shilka galay ayaa la sheegay in si xowli ah uu ku socday taas oo ka dambeysay in uu hertiyo Tabeelahaasi Nalalka Cadceeda ku shaqeeya.