DHAGEYSO:- Xildhibaan Dalxa “ Dastuurka kuma taal in Musharrixiinta lacago laga qaado”Waana Sharci daro”..

0

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dhaliilay habka ay u socoto olalaha Musharrixiinta doonaya in ay qabtaan jagoonka Dowladnimo ee dalka.

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga arrimaha dibadda Baarlamaanka Soomaaliya,Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in lacagaha laga qaado Musharrixiinta doonaya in ay dalka xilka siyaasadeed ka qabtaan aysan ku qorneyn dastuurka u yaalla dalka sidaa darteedna ay noqoneyso sharci darro.

Waxaa uu ku dooday in arrintan ay qalbi jab ku tahay Musharrixiinta doonaya in ay xilal siyaasadeed ka qabtaan dalka kana mira dhaliyaan aragtidooda siyaasadeed.

Shan kun oo Doollar oo laga qaado Dadka wax heysta ayuu ku tilmaamay in ay tahay in kaliya dadka dhaqaalaha heysta u fududeyneysa in ay xil qabtaan halka dadka daacadda ah ee aan dhaqaalaha heysan aysan u saamaxeyn in ay xilalka ugu sarreeya dalka ay qabtaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-