DHAGEYSO:- Xasan Sheekh oo ku dhawaaqay Arrin ay dad badan oo Soomaali ah ka Carowdeen

0

Madaxweynaha Dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku celiyey hadal qabyaaladnimo ku dheehan tahay oo shacabka Soomaaliyeed ay ka dareemayaan mid meel dheer ku dhacaya.

Waxa lagu weydiinayey Su’aalo Barnaamij Muuqaal ah oo Xalay lagu qabtay Hoteel ku yaalla Muqdisho martina uu Madaxweyne Xasan ku ahaa oo Dal iyo Dib lagala Socday.

Madaxweyanha Soomaaliya ayaa sheegay in Hormarka ay haatan Soomaalidu gaartay ay ku timid Afartii Sano Ee Xilka uu hayey sidaa Awgeedna ay muhiim tahay in mar kale lagu aamino Kursiga Dalka.

Waxa uu sheegay labo maah maah oo mid aheyd “Mid Waa Qabiil Ninkeedaa dhameystira”,Qabiilkiisa iyo sida uu ugu roonaaday ayey taasi dadka qaar ku sheegeen inay ka tarjumeyso xilalka uu ka safay intii dalka uu xukumayay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-